Alexis Sanchez oo aqbalay xabsiga 16-ka bilood ah ee lagu xukumay

(Mancehster) 07 Feb 2018. Alexis Sancehez waxaa lagu xukumay 16 bilood oo xabsi ah sababo la xiriira canshuuro uu lunsaday waqtigiisii Barcelona.

Laacibka wuu aqbalay ciqaabta si uu uga bad baado in dacwadda dhageysigeeda Spain laga furo – lacagta loo haysto waxa ay dhan tahay £886,000.

Waxyaabaha sida gaar ah loogu haysto waa lunsashada canshuuraha xuquuqda sawirada sanadihii u dhexeeyey 2012-13.

Waxaa la fahansan yahay in United ay sanadkii siineyso £14m marka laga jaro canshuurta.

Ciqaabaha noocan ah waxaa sidoo kale lala beegsaday Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close