PSG oo qorshaha ku darsatay Morata

(Paris) 05 Feb 2018. Paris Saint-Germain waxa ay ku raja weyn tahay in ay Chelsea kala soo wareegto Alvaro Morata mustaqbalka dhaw, sidaas waxaa qaba warar hoose.

Spaniard-ka wajiyo kala duwan ayey ololahan kala kulmay bilowgiisa Stamford Brudge xilli uu 12 gool dhaliyey dhammaan tartamada waxaase hareeyey dhaawacyo.

Sida laga soo xiganayo Paris United, PSG ma niyad jabin qaab ciyaareedka liita ee weeraryahanka waxa ayna rabaan in ay keenaan Perc de Princes.

PSG waxaa duullaankeeda jooga Edison Cavani, Neymar iyo Kylian Mbappe, laakiin agaasimaha ciyaaraha Antero Henrique ayaa la sheegay in uu 25 jirka u arko xulasho si uu tartan u galiyo weeraryahanada kooxda ololaha 2018-19 iyo wixii ka dambeeya.

Morata waxaa ugu dambeeysay Chelsea oo uu matalo kulankii FA Cup-ka wareeggiisa saddexaad ee ay Norwich la dheeleen 17kii Janaayo.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close