LAMA FILAAN: Barcelona oo ugu hambalyeeysay Neymar maalinta dhalashadiisa iyo taageerayaasha oo ….

(Barcelona) 05 Feb 2018 Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu hambalyeeysay laacibkeedii hore ee Neymar JR kaas oo maanta noqday 26-jir.

Barca ayaa kula dabaal dagtay Neymar gool uu ka dhaliyay Elche xiliciyaareedkii 2014/2015 markaas oo uu ahaa laacib ka tirsan Barcelona.

Laakiin taageerayaasha Barcelona ayaan ku farxin in kooxdoodu ay xusto Neymar kaas oo si aan haboonayn uga tagay kooxda suuqii xaggaaga sida uu baahiyay TV3.

Taageerayaasha qaar ayaa dalbaday in Twitter-ka kooxda laga saaro qoraalka loogu hambalyeeynayo laacibka reer Brazil kaas oo la filayo inuu ku biiro Real Madrid.

Neymar ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican tan iyo markii uu ka tagay Barcelona, 26 kulan ayuu u saftay kooxdiisa PSG, wuxuuna u dhaliyay 27 gool isaga oo caawiyay 16-kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close