Manchester United oo heshay goolhayihii ay ku bedeli lahayd De Gea

(Manchester) 04 Feb 2018. Waxaa lagu soo warraayaa in Manchester United ay qorsheeneyso soo xero galinta goolwalaha Everton, Jordan Pickford si ay bedel uga dhigto David de Gea haddii uu ku biro Real Madrid.

Spaniard-ka muddo dheer ayuu bartilmaameed u ahaa Real Madrid waxaana haatan qandaraaskiisa uga dhiman hal xilli ciyaareed.

The Sun waxa ay qortay, haddii De Gea tago, Manchester United waxa ay keeni doontaa shabaqa ilaaliyaha Toffees, Pickford – laakiin Jose Mourinho waxaa lagu qasbi karaa in ay £50m bixiyaan.

Warbixinta waxa ay sheegeysaa Everton o £30m ka soo siisatay Sunderland goolwalaha in ay faa’ido ka rabto.

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo kuma faraxsana joogidda Bernabeu, waxaa dhici karta in gor gortan De Gea qeyb looga dhigo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close