Lucas Moura oo seegi kara kulanka Liverpool

(London) 03 Feb 2018 Saxiixa cusub ee Tottenham ayaa ka maqnaan kara kooxdiisa kulanka barri ay u safrayso Liverpool sida uu xaqiijiyay tababare Pochettino.

Tottenham ayaa kula soo wareegtay Lucas Moura lacag dhan 25 milyan oo Ginni, kadib markii uu boos joogto ah ka waayay PSG.

Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay inay adagtahay in Moura uu ciyaaro kulanka Liverpool maadama uu inbadan keyd uga jiray PSG isla markaana horyaalka ingiriisku uu u baahanyahay la qabsi.

“Waxaan la soo saxiixanay laacib aan inbadan u ciyaarin kooxdiisii hore ee PSG, dabcan waa laacib leh magac wayn, taageerayaashu waa ay sugayaan” ayuu yiri Mauricio Pochettino.

“Waxaan filayaa in Moura uu inbadan na caawin doono, laakiin dhamaanteen taageerayaasha iyo warbaahinta intaba waxaa waajib nagu ah in aanaan saarin cadaadis waqtigiisa ugu horeeya”.

Mauricio Pochettino ayaa la waydiiyay inuu ciyaarayo kulanka Liverpool, wuxuuna ku jawaabay:

“Marka hore hala qabsado jawiga, jawiga halkaan waa uu ka duwanyahay kii hore, tartanku waa uu ka wayn yahay kii hore, waa nuuca ciyaartoy ee marka aysan gool dhalin aan la kulmin dhibaato”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close