QISO YAAB LEH: Gabar loogu magac daray Lionel Messi!!…(Ogoow sida ay ku dhacday)

(Spain) 02 Feb 2018. Taageere Jalbeysan ayaa Gabadhiisa ugu maga daray Lionel Messi, Dhuux sheekada ma ahan Wiilkiisa.

Markii hore wuxuu filanayay inuu Wiil u dhalan doono Taageeraha ku waalan xiddiga Barcelona, balse Kombiyuutarka Uurku jirta ee ‘ultrasound’ ayaa sheegay inay gabari u dhalan dooneyso.

Yeelkeede, Taageere Beto ma uu badelin Maankiisa oo wuxuu gabadha u dhalatay u bixiyay Lionela, wuxuuna arrinkaa ka dhaa dhiciyay xaaskiisa oo ku raacday.

Taageeraha dhalay Loinele ayaa aqbaarta gaarsiiyay Messi isagoo u soo maraya Sergio Aguero.

Kabtanka xulka Argentina ayaana si niyad wanaag leh ugu soo jawaabay:

“Hello, Beto, waxaan kuu soo dirayaa Hab wayn, waxaan rajeynayaa inaad fiican tahay. Salaan iga gaarsii Lionela, waxaan rajeynayaa inay iyana fiican tahay, tan ugu fiican ayaan idin rajeynayaa dhammaantiin.”. Messi ayaa sidaa ku soo yiri Muuqaal uu soo dhigay Twitter.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close