Mkhitaryan oo kulamada Europe League Arsenal u xiran doona No.77 halkii uu xiran lahaa No.7!!

(London) 02 Feb 2018. Arsenal ayaa Liiskeeda Europe League ku soo dartay Saxiixooda cusub ee Henrikh Mkhitaryan, Laacibka ayaa xiran doona No.77 halkii uu xiran lahaa No.7 sida uu qabo sharciga Tartanka.

Xiddiga qadka dhexe ee Reer Armenia ayaa No.7 xiran doono kulamada Premier League balse Europe League wuxuu xiran doonaa No.77 maadaama sharciga tartankan uu sheegayo in labo laacib oo isku koox ah aysan hal lambar ku wada ciyaari karin.

Alexis Sanchez oo ku biiray Manchester United ayaa tartankan Arsenal u soo xirtay No.7, sidaa darteed Mkhitaryan waa ka mamnuuc.

Shaxda Gunners ayaa waxaa si lama filaan ah sidoo kale loogu soo daray laacibka uu dhaawacu dilooday ee Santi Cazorla.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close