Maradona oo loo diiday Dalka Mareykanka kaddib markii uu Caayay Donald Trump

(America) 02 Feb 2018. Halyeyga xulka Argentian Diego Maradona ayaa loo diiday dal ku galka (Visa-ha) dalka Mareykanka kaddib markii uu wax ka sheegay madaxwaynaha Mayilka adag ee Donald Trump.

Maradona ayaa Visa hii uu xareystay laga soo diiday kaddib markii uu wax uga sheegay Trump wareysi uu ku bixiyay dalkiisa hooyo.

Rugcadaagii hore ee Argentina ayaa Madaxwaynaha Mareykanka ku sheegay inuu yahay ‘chirolita’ oo ah aray Argentina ah oo la micno ah qof aan Qiimo lahayn ama qiimihiisu hooseeyo.

Wakiilka Maradona Matia Morla oo sheekadan fasiraad ka bixinaya ayaa yiri:

“Markii aan heli rabnay Visa ah, waxaan ku iri isaga: ‘Diego, Fadlan, haka hadlin wax ku saabsan Mareykanka.

“Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay TV, su’aashii labaadba waxay ku waydiiyeen: ‘Maxaad ka aaminsan tahay Donald Trump?’

“Wuxuu ku jawabay waa “chirolita.'”

Mareyanka ayaa labaatan sano ka hor Maradona ka soo musaafuriyay Dalkiisa kaddib markii lagu helay Droogo Koobkii adduunka ee lagu qabtay USA 1994.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close