Mancini oo ugu cad cad shaqada Italy

(Rome) 02 Feb 2018. Laba majaladood uu waa weyn ayaa qoray in tababaraha Zenit St Petersburg, Roberto Mancini ugu cad cad yahay shaqada tababare ee Italy.

Gazzetta dello Sport iyo  Corriere dello Sport waxa ay aaminsan yihiin in Mancini “Boos wacan u joogo” bedelka Giampiero Ventura, kaddib markii khamiistii la shaaciyey bartilmaameedyadii jagadaas, waxaa ka mida Antonio Conte, Carlo Ancelotti iyo Claudio Ranieri.

Tababatihii hore ee Man City waxa uu majaraha u qabtay Zenit xagagii hore waxa uuna ku hoggaamiyey kalinta labaad ee horyaalka Russia iyo wareegga 32-da ee Europa League.

Arintan ayaa imaaneysa kaddib markii godoomiyaha cusub ee FIGC, Roberto Fabbricini uu qishay  tababaraha 21-jirada Luigi Di Baigio uusam Italy ku hoggaamin doonin kulamada England iyo Argentina bisha soo socota

Ma cadda in ay kooxda reer Raussia u fasixi doonto Mancini in uu la hadlo Azzurri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close