Manchester United oo weli isha ku haysa Pochettino

(Manchester) 02 Feb 2018. Mauricio Pochettino wali bartilmaameedka mustaqbalka fog ee Jose Mourinho ka bedeli lahaa Old Trafford, sida ay qabaan xogo hoose.

Mourinho waxa uu wali kula jiraa United qandaraas dhacaya 2020-ka kaddib markii uu saxiixay mid cusub asbuucii hore, taas waxa ay meesha ka saartay xantii la xiriirineysay Paris Saint – Germain.

Masuuliyiinta sare ee United waxa ay walaac ka qaadeen hadallo uu Portugal-ka jeediyey sanadkii hore, durbadiiba waxa ay bilaabeen qorsheynta kii bedeli lahaa oo ay u arkaan Pochettino.

Sida ay qabto Manchester Evening News, Manchester United hadda wax casbi ah kama qabto mustaqbalka Mourinho balse hal il ayey ku hayaan Pochettino.

Real Madrid ayaa uga hormari karta Argentinian-ka, waxaa jira warar sheegaya in Bernabeu uu shiishka u saaran yahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close