“Waan baxayaa haddii kale” – Isco oo ku hanjabay inuu baxayo haddii aan kooxda laga dirin Ronaldo iyo…..

(Madrid) 01 Feb 2018  Laacibka reer Spain ee Isco ayaa qarsan waayay caradiisa ku aadan in aan si joogto ah loo ciyaarsiin kadib markii laga balan qaaday boos joogto ah.

Isco ayaa heshiis cusub u saxiixay Real Madrid, waxaana ku jiray shardi ah inuu boos joogto ah ka heli doono kooxda tababare Zidane.

Image result for Isco Ronaldo Benzema

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Isco uu carooday isla markaana uu si toos ah ugu sheegay madaxwaynaha kooxda inuu baxayo haddii aan Real Madrid laga dirin 3-qof oo uusan la dhacsanayn.

Isco ayaa u sheegay Florentino Perez inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xiliciyaareed kaan, haddii aan kooxda laga dirin Cristiano Ronaldo oo ah laacibka ka danbeeya inuu fariisto keydka Real Madrid.

Shaqsiga labaad ee uu doonayo in kooxda laga diro ayaa ah tababare Zinedine Zidane kaas oo soo qaatay hadalka Ronaldo isla markaana isaga u dhaadhiciyay keydka.

Shaqsiga 3-aad ee uu doonayo in laga diro kooxda ayaa ah weerar yahanka reer France ee Karim Benzema, Isco ayaa dareensan in bixitaanka Benzema ay isaga u tahay fursad fiican.

Marka laga soo tago codsiga Isco, mustaqbalka 3-daan qof ee Real Madrid ayaa ah mid aan kala cadayn, waxaana suurogal ah inay ka tagaan kooxda dhamaadka xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close