SAWIRRO: Olivier Giroud oo Tababarkii ugu horreeyay la qaatay Chelsea

(London) 01 Feb 2018. Olivier Giroud ayaa isaga kala gooshay London isagoo ka soo tagay Arsenal kuna soo biiray Chelsea maalinkii ugu dambeeyay Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Dhaliyaha reer France ayaa Blues ugu kacaya 18-milyan oo bound isagoona qeyb ka ahaa heshiis saddex afle ah.

Giroud ayaa u soo dhaqaaqay Chelsea si uu Michy Batshuayi awood ugu yeesho inuu amaah ugu biiro Dortmund taa oo la micno ah in markaa ay Gunners heli karto Pierre-Emerick Aubameyang oo ay ugu dambeyn ku soo iibsadeen lacagihii ugu badnaa taariikhdeeda.

Yeelkeede, Giroud ayaa markii ugu horreeysay soo xaadiray xerada tababarka Cobham ee kooxdiisa cusub isagoona la qaatay tababarkiisii koowaad.

31-jirka ayaa durba safka hore si toos ah ugu biiri kara maadaama uu dhaawac ku maqan yahay Alvaro Morata.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close