RASMI: Ozil oo xaqiijiyey in uu qandaraas cusub saxiixay

(London) 01 Feb 2018. Mezut Ozil waxa uu baraha bulshada kaga dhawaaqay in uu qandaraas saddex sano iyo bar ah u saxiixay Arsenal.

Mustaqbalka Mezut Ozil iyo Alexis Sanchez waxa ay qabsadeen ciwaanada wararka suuqa maadama ay ka dhacayeen bisha lixaad ee soo socta.

Sancehz waxa uu goostay in uu ku biro Manchester United xilli ay is weydaarteen Henrikh Mkhitaryan halka Ozil doortay in uu sii joogo.

Ozil oo qudhiisa United bartilmaameed u ahaa ayaa saxiixay heshiis cusub iyada oo uu kooxdana yimi Pierre-Emerick Aubameyang.

Twitter-kiisa waxa uu ku qiray in go’aankaas ahaa kii ugu fiicnaa ee waayihiisa ciyaareed, una daayey qalbigiisa in uu qaato go’aanka.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close