Ozil waxa uu diiday Manchester United iyo Barcelona [Bild]

(London) 01 Feb 2018. Laacibka khadka dhexe ee Arsenal, Mezut Ozil waxa uu sheegay in uu diiday Barcelona iyo Manchester United si uu qandaraas cusub ugu saxiixo Emirates.

Laacibka koobka aduunka kula guuleystay Germany waxa uu ku dhawaaqay khamiistii in uu qandaraas cusub u saxiixay Arsenal.

Qandaraaskii hore ee 29-jirka waxa uu dhacayey bisha lixaad ee soo socota waxaana ku raad joogtay Manchester United.

Hadda waxa uu saxiixay qandaraas cusub oo saddex sano iyo bar ah isaga oo noqday mid ka mida kuwa ugu mushaarka badan Gunners maadama uu qaadanayo £350,000 oo aysan canshuurta ku jirin.

Sida laga soo xiganayo Bild, Ozil waxa uu dalabyo ka helay Mancehster United, Barcelona, Paris Saint – Germain iyo koox reer China ah Guangzhou Evergrande, oo uu ka qaadan lahaa sanadkii £22m

Waxa uu duullaanka ku wehelin doonaa Alexandre Lacazette, Henrikh Mkhitaryan iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close