Ozil Jaceyl dartii Heshiis Cusub uguma saxiixin Arsenal ee wuxuu ku xumeynayay Man United!!!!

(London) 01 Feb 2018. Mesut Ozil ayaa heshiis cusub u saxiixay Arsenal isagoo ka jawaabaya wixii ay ku sameysay Manchester United sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah.

Gunners ayaa shaacisay in Ozil uu u saxiixay heshiis cusub uu kooxda ku sii joogi doono ilaa 2021 taa oo ka dhigeysa laacibka ugu mushaarka badan naadiga 350,000 usbuuciiba.

Go’aanka uu laacibka ku joogayo Emirates ayaa lama filaan noqday maadaama inta badan la filyay inuu beeca xorta ah ugu biiri doono Manchester United suuqa xagaaga ee soo socda.

Laakiin Manchester Evening News ayaa sheegaya in kubbad qaabeeyaha uu heshiis cusub u saxiixay Arsenal kaddib wixii ay ku sameysay Manchester United intii lagu guda jiray wada hadalada u dhexeeyay.

Mesut Ozil Arsenal Manchester United transfer news

Waxaa la sheegay in Red Devils ay Ozil kula jirtay wada hadalo uu xagaaga ugu soo dhaqaaqayo.

Kooxda Jose Mourinho ayaa kolhoreba laacib kala soo wareegtay Gunners kaddib markii ay la soo saxiixatay Alexis Sanchez heshiis uu qeyb ka ahaa Henrikh Mkhitaryan.

Manchester Evening News ayaa sheegtay in Man United aysan marna si dhab ah u xiiseynayn inay Old Trafford keento Ozil.

Waxaa la warinayaa inay dhagaha ka fareysteen oo aysan wax jawaab ah siin markii uu Ozil doonay inuu ogaado go’aankooda.

29-jirka ayaana ugu dambeyn saxiixay heshiis cusub uu ku xumeynayo Man United kaddib markii uu xiriir dambe ka waayay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close