Ogoow sababtii uu u fashilmay heshiiskii Jonny Evans uu ugu biiri lahaa Arsenal

(London) 01 Feb 2018 Arsenal ayaa ku fashilantay dhamaystirka saxiixa daafaca West Brom ee Jonny Evans kaas oo u furnaa inuu u dhaqaaqo garoonka Emirates.

Daaficii hore ee Manchester United ayaa diyaar u ahaa inuu ku biiro Arsenal suuqa bishii dhamaatay ee Janaayo, wuxuuna ku jiray liiska saxiixyada tababare Wenger.

Saxaafada ingiriiska ayaa baahisay in Arsenal ay ku fashilantay saxiixa Jonny Evans kadib markii ay ka gudbisay dalab soo daahay kaas oo ah 12 milyan oo Ginni, laakiin West Brom ayaa horay ka soo diiday.

Guillem Balague ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in laba arin dartood uu u fashilmay heshiiska Jonny Evans ee Arsenal.

Sababta hore ayaa ah laacibka oo ah 30 jir, Arsenal ayaa u aragtay Jonny Evans inuusan u qalmin lacagta ay ku doonayso West Brom oo ah 20 milyan oo Ginni.

Laakiin waxaa jirta sabab kale oo taas ka sii daran, Arsenal ayaa ogaatay in laacibku uu qabo dhaawac kaas oo uu garoomada uga maqnaanayo muddo bil ah.

Gunners ayaana go’aansatay inay isaga baxdo wadahadaladii ay ku doonaysay Jonny Evans.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close