Roma oo xaqiijisay in Edin Dzeko ka tegi doonin kooxda

(Rome) 31 Jan 2018. Agaasimaha Roma Mauro Baldissoni, waxa uu xaqiijiyey in Edin Dzeko kooxda ka tegi doonin habeeka gabagabada suuqa oo caawa ku began.

31 jirka waxa uu si weyn loola xiriirinayey Chelsea, walow ay soo bexeen warar sheegaya in heshiiskii uu ku aadi lahaa Stamfrord Bridge bur buray.

Chelsea waxa ay shelay dhammeystirtay saxiixa daaficii Roma ee Emerson Palmieri balse Gialarossi waxa ay meesha ka saartay in Dzeko u raaci doono galbeedka London.

“Haddii ay Roma rabtay iibinta Edin Dzeko waanu riixi karnay si taas u dhacdo,” ayey BBC Sport ka soo xigatay Baldissoni.

“Runtii, kooxda wey ku adkeysatay booskii ay ka taageyd. Ma aynaan argagixin, iskuma aynaan dayin in aan de dejino wadaxaajoodka. Edin waa ciyaaryahan wanaagsan waana ku faraxsannahay in uu halkan joogayo.”

Chelsea waxaa la fahansan yahay in ay diiradeeda u weecisay Olivier Giroud oo la aaminsan yahay in uu haatan tijaabada caafimaad u marayo kooxda dheeleysa Champions League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close