RASMI: Tottenham oo dhamaystirtay saxiixa Lucas Moura

(London) 31 Jan 2018 Tottenham ayaa si rasmi ah u shaacisay goor dhaw dhamaystirka saxiixa laacibkii garabka weerarka uga ciyaari jiray PSG ee Lucas Moura.

Kooxda reer ingiriis ayaa kula soo wareegtay Lucas Moura lacag dhan 25 milyan oo Ginni, wuxuuna u saxiixay kooxdiisa cusub heshiis 5-sano iyo bar ah.

25 jirka reer Brazil ayaa u xiran doona kooxdiisa Tottenham lambar-ka 27, wuxuuna kulankiisa ugu horeeya u ciyaari doonaa Tottenham axada kulan ay u safrayso Liverpool.

Lucas Moura ayaa ku qasbay PSG inay fasaxdo kadib markii uu boos joogto ah ka waayay shaxda tababare Emery, laacibka ayaa haatan diyaar u ah inuu u dagaalamo booskiisa xulka Brazil ee koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close