RASMI: Juan Mata oo heshiis cusub u saxiixay Manchester United

(Manchester) 31 Jan 2018 Kubadd abuuraha reer Spain ee Juan Mata ayaa kooxdiisa u saxiixay heshiis cusub kaas oo uu kooxda ku sii joogi doono hal sano oo dheeri ah.

Qandaraaska Juan Mata ee Man United ayaa dhacayay dhamaadka xiliciyaareed kaan, laakiin kooxda ayaa go’aansatay in laga saxiixo hal sano oo dheeri ah.

Image result for Juan Mata Mourinho

Sida lagu sheegay web-ka rasmiga ah ee Manchester United Juan Mata ayaa kooxda u saxiixay heshiis hal sano ah, wuxuuna sii joogayaa kooxda ilaa 2019.

Tababare Jose Mourinho ayaa u arka Juan Mata laacib ku haboon qorshihiisa Manchester United, waana sababta kooxdu ay uga saxiixday heshiis cusub.

“Mata waa laacib muhiim ii ah, waa laacib muhiim u ah kooxda, waana laacib muhiim u ah ciyaartoyda kale” ayuu yiri tababare Mourinho.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close