RASMI: Chelsea oo dhamaystirtay saxiixa Olivier Giroud

(London) 31 Jan 2018 Chelsea ayaa ugu danbayntii dhamaystirtay saxiixa weerar yahankii Arsenal ee Olivier Giroud sida ay kooxdu ku shaacisay Web-keeda.
Blues ayaa kula soo wareegtay weerar yahanka reer France lacag dhan 18 milyan oo Ginni, wuxuuna kooxda u saxiixay heshiis sanad iyo bar ah (18-bilood).
Olivier Giroud ayaa ka soo dhaqaaqay Arsenal oo uu la joogay tan iyo 2012, kadib markii uu ka waayay boos joogto ah, laacibka ayaa doonaya inuu u dagaalamo booskiisa koobka adduunka ee xulka France.
Chelsea ayaa u dhaqaaqday soo xerogalinta Giroud kadib markii ay go’aansatay inay amaah ku fasaxdo Batshuayi kaas oo u dhaqaaqay Borussia Dortmund.
Gool FM