RASMI: Arsenal oo xaqiijisay Lambarka uu u xiran doono Saxiixeeda cusub ee Aubameyang

(London) 31 Jan 2018. Arsenal ayaa saxiixeeda cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang u gacan galisay Lambarka 14-aad ee kooxda.
Gunners ayaa dhaliyaha reer Gabon kula soo wareegtay lacagihii ugu badnaa taariikhda kooxda.
Waxayna iminka xaqiijiyeen inuu u xiran doono Lambarka 14-aad oo ka tagay Theo Walcott oo kaga biiray Everton.
Waxaa sidoo kale Lambarkan caan ku ahaa laacibka ugu goolasha badan taariikhda Arsenal ee Thierry Henry.
Gool FM.