Olivier Giroud oo Tijaabada Caafimaad u maraya Chelsea

(London) 31 Jan 2018. Olivier Giroud ayaa tijaabada caafimaad u maraya Chelsea ka hor inta uusan ugu biirin adduun dhan 18 milyan.

Weeraryahanka reer France ayaa saakay loo ogolaaday inuu la xiriiro Blues kaddib markii ay Arsenal ugu dambeyn ogolaatay lacagaha ay uga iibineyso kooxda kula xifaatanta London.

SunSport ayaa fahansan in Giroud uu u safray sidii uu caafimaadka ugu mari lahaa Chelsea inkastoo aan weli la dhammeyn heshiiskiisa.

Michy Batshuayi ayaa tijaabada caafimaad u maray Dortmund oo amaah ugu biirayo.

Kooxda Antonio Conte ayaana rajeynaysa inay ku dhawaaqdo saxiixa Olivier Giroud saacadaha ka harsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close