Warkii hore oo beenoobay, Giroud iyo Mkhitaryan oo ku soo bilowday keydka Arsenal ee kulanka caawa

(London) 30 Jan 2018 Tababare Arsene Wenger ayaa shaaciyay shaxda kooxdiisa ee kulanka Swansea City, xili ciyaarta uu ka harsanyahay kaliya waqti kooban.

Daqiiqado ka hor ayaa lagu daabacay shabakada Goal in Olivier Giroud uu ka baxay Hotel-ka kooxda Arsenal isla markaana uu dib ugu laabtay London.

Laacibka ayaa aad ugu dhaw inuu ku biiro kooxda Chelsea si uu u buuxiyo booska Batshuayi oo amaah ugu wareegaya kooxda Borussia Dortmund.

Arsene Wenger ayaase beeniyay dhamaan wararkaas, wuxuuna hal mar keydka kooxdiisa soo fariisiyay saxiixiisa cusub ee Henrikh Mkhitaryan iyo Giroud oo lala xiriirinayo inuu ka tagayo Arsenal.

Ramsey ayaa ku soo bilowday qadka dhexe ee Arsenal kadib markii ay kooxdu baahisay in Wilshere uu xanuun ku seegayo kulanka caawa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close