Monoco oo ku soo biirtay ugaarsiga loogu jiro Giroud iyo isaga oo daneenaya…..?

(London) 30 Jan 2018. Monoco ayaa la qabaa in ay noqotay kooxdii ugu dambeysay ee ku soo biirta ugaarsiga loogu jiro saxiixa Olivier Giroud.

The Mirror, ayaa qortay in xiddiggan awal la filayey in uu midkood aado Chelsea ama Borussia Dortmund uu haatan u jiheysan karo horyaalka heerka kowaad ee dhulkiisa hooyo.

Wararkii hore ayaa tibaaxayey in Giroud uu diiradda u saarnaa Chelsea oo ku raad joogta weeraryahan, Dortmund oo iibineysa Emerick Aubameyang iyo in uu la midoobo tababarihiisii hore, Guido Carrillo oo iminka leyliya Southampton.

Giroud hore waxa uu ugu soo dheelay Montpellier.

Hase ahaatee, 31 jirka waxa uu doonayaa in uu London sii joogo isaga oo ahmiyadda kowaad siinaya Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close