DEG DEG: Pierre-Emerick Aubameyang oo soo gaaray xarunta tababarka ee Arsenal

(London) 30 Jan 2018 Weerar yahanka kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goor dhaw soo gaaray xarunta tababarka ee kooxda Arsenal.

Laacibka ayaa haatan maraya tijaabada caafimaadka si uu u dhamaystiro ku biiridiisa kooxda tababare Arsene Wenger oo kula soo wareegtay lacag ku dhaw 60 milyan oo Ginni.

Borussia Dortmund ayaa u ogolaatay Arsenal inay marsiin karto tijaabada caafimaadka Pierre-Emerick Aubameyang, waxayna haatan ku guda jiraan sidii ay ku heli lahayd badalkiisa.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa galabta diyaarad gaar ah ka soo qaatay Dortmund isaga iyo aabihiis, waxayna haatan kuwada suganyihiin xarunta tababarka ee Arsenal.

Shaqsi ka tirsan shaqaalaha web-ka Arsenal ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in Aubameyang haatan laga duubayo muuqaal lagana qaadayo sawiradii lagu soo bandhigi lahaa, isla markaana ay suurogal tahay in la soo bandhigo caawa.

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close