DEG DEG: Olivier Giroud oo ka tagay Hotel-ka ciyaartoyda Arsenal ka hor kulanka caawa ee Swansea City (Halkee ayuu aaday?)

(London) 30 Jan 2018 Weerar yahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa isaga baxay Hotel-ka ciyaartoyda Arsenal ay joogaan ka hor kulanka caawa.

Arsenal ayaa haatan ku sugan Wales halkaas oo ay caawa kula ciyaarayso kooxda Swansea City, laakiin Giroud ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay London.

Olivier Giroud ayaa u baxay si uu u dhamaystiro ku biiridiisa kooxda Chelsea, waxaana la filayaa inuu ka maqnaan doono kulanka caawa, taas oo sii xaqiijin doonta warkaan sida ay baahisay Goal.

Inta badan wararka ka imaanaya ingiriiska ayaa isku raacay in Arsenal iyo Chelsea ay ka heshiiyeen qiimaha Olivier Giroud oo ah 18 milyan oo Ginni.

Ku biirida Giroud ee Chelsea ayaa ka dhigan in Batshuayi uu amaah ugu dhaqaaqi doono kooxda Borussia Dortmund.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close