DEG DEG: Manchester City oo dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay Riyad Mahrez

(Manchester) 30 Jan 2018 Manchester City ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay laacibka garabka weerarka uga ciyaara Leicester City ee Riyad Mahrez.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku cadaadinaya kooxdiisa in la dhamaystiro saxiixa Riyad Mahrez ka hor inta uusan dhamaan suuqa kala iibsiga ee bishaan Janaayo oo xirmaya barri.

Dhaawicii soo gaaray Leroy Sane ayaa qasab ka dhigay in Manchester City ay u dhaqaaqo soo xerogalinta laacibka reer Algeria.

France Football ayaa baahisay in Manchester City ay hordhigtay Leicester City lacag dhan 68 milyan oo euro oo u dhiganta 60 milyan oo Ginni si ay u fasaxdo Riyad Mahrez.

Waxaa jira warar madax banaan oo sheegaya in Leicester City ay fasaxayso Mahrez haddii ay hesho lacag dhan 90 milyan oo Ginni.

Daily Mail ayaa dhankeeda sheegaysa in Mahrez uu kooxdiisa u gudbin doono codsi ah in la fasaxo si uu ugu biiro Man City, waxayna sheegtay in dalabka City uu gaarayo 50 milyan oo Ginni.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close