DEG DEG: Leicester City oo laba dalab ka soo diiday Man City iyo Mahrez oo kooxdiisa waydiistay in la fasaxo

(Leicester) 30 Jan 2018 Leicester City ayaa soo diiday laba dalab oo Manchester City ay ka gudbisay laacibka reer Algeria ee Riyad Mahrez.

Manchester City ayaa la sheegay inay dalab ka gudbisay Riyad Mahrez maanta laakiin Leicester City ayaa horay ka soo celisay dalabkaas.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa ku celisay dalab kale oo gaaraya ilaa 50 milyan oo Ginni, laakiin kooxda dawacooyinka ayaa soo diiday dalabkii labaad.

Sky Sports ayaa haatan baahisay in Riyad Mahrez uu kooxdiisa u gudbiyay codsi ah in la fasaxo si uu ugu biiro Manchester City suuqaan Janaayo.

Waxaana jira warar kale oo sheegaya in laacibku uu saaka seegay tababarkii kooxdiisu ay isugu diyaarinaysay kulanka habeen dambe ee Everton.

Lama oga waxa maamulka Leicester City ay ka dhihi doonaan dalabka uu u gudbiyay Mahrez oo aad u doonaya inuu ku biiro koox wayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close