Coutinho oo dib ugu soo laabtay Liverpool…+SAWIRRO

(England) 30 Jan 2018. Philippe Coutinho ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka Liverpool ee Melwood si uu u macsalaameeyo saaxiibadiisa.

Kubbad qaabeeyaha reer Brazil ayaa horaantii bishan ugu dhaqaaqay Barcelona adduun dhan 145-milyan oo bound.

Xiddiga qadka dhexe ee Reds Adam Lallana ayaa muujiyay sida wayn uu ugu faraxsan yahay saaxiibkii hore.

Wuxuu boggiisa Instagram soo dhigay sawir ay iskula jiraan kaddib markii uu Coutinho booqasho iyo macsalaameen ugu yimid.

Sidoo kale daafaca garabka bidix ee Alberto Moreno ayaa boggiisa Instagram soo dhigay sawir ay iskula jiraan saxiixa cusub ee Barcelona.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close