Aymeric Laporte oo tababarkii ugu horeeyay la qaatay kooxdiisa cusub ee Man City +SAWIRRO

(Manchester) 30 Jan 2018 Manchester City ayaa dhamaystirtay saxiixa daaficii Athletic Bilbao ee Aymeric Laporte kaas oo ay ku soo qaadatay lacag dhan 57 milyan oo Ginni.

Aymeric Laporte ayaa tijaabada caafimaadka u maray xili hore kooxdiisa cusub, wuxuuna si rasmi ah u dhamaystiray ku biiridiisa maanta oo talaado ahayd.

23 jirka reer France ayaa durba ka qayb qaatay tababarka kooxdiisu ay isugu diyaarinayso kulanka habeen dambe ay la ciyaari doonto kooxda West Brom.

Aymeric Laporte oo loo xiray lambar “14” ayaa si caadi ah uga qyab qaatay tababarkii kooxdiisu ay isugu diyaarinaysay saaka kulanka habeen dambe, inkasta oo galabta kooxdu ay shaacisay saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close