Arsenal iyo Chelsea oo hormar ka sameeyay saxiixa Olivier Giroud (Wararkii u danbeeyay)

(London) 30 Jan 2018 Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa hormar ka sameeyay wadahadaladii u dhexeeyay ee quseeyay weerar yahanka Gunners ee Olivier Giroud.

Arsenal ayaa u sheegtay Chelsea inay miiska soo saarto lacag dhan 30 milyan oo Ginni, laakiin Blues ayaa u aragta in laacib 31 jir ah uusan u qalmin lacagtaas.

BBC Sport ayaa sheegtay in Arsenal iyo Chelsea ay ugu danbayn isla meel dhigeen lacag dhan 20 milyan oo Ginni laakiin madaxa wada xaajoodka kooxda Blues ayaa isku dayay in la yareeyo qiimahaas oo laga dhigo lacag ka hoosaysa 20 milyan.

Arsenal ayaase ugu goodisay Chelsea inay ka baxayso heshiiskii lawada gaaray isla markaana Olivier Giroud ay amaah ugu dirayso Borussia Dortmund.

Dhanka kale, Telegraph iyo Mirror ayaa sheegaya in Chelsea ay u diyaar garoobayso inay 18 milyan oo Ginni ku soo afjarto saxiixa Olivier Giroud.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close