Taageerayaasha Arsenal oo durba bilaabay daabicida funaanada Aubameyang (Arag lambarka loo xiray)

(London) 29 Jan 2018 Qaar kamid ah taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay daabacaada funaanada weerar yahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Taageerayaasha ayaa siiyay Pierre-Emerick Aubameyang lambarka xusuusta u ah kooxda oo idil ee “14” kaas oo lagu xusuusto Henry iyo Walcott oo ka tagay bishaan Janaayo kuna biiray Everton.

 Dortmund striker Pierre-Emerick Aubameyang is tipped to wear the Arsenal top worn by legend Thierry Henry and Everton new boy Theo Walcott

Arsenal ayaa kala heshiisay Dortmund qiimaha Aubameyang kaas oo ah 55.4 milyan oo Ginni, wuxuuna noqonayaa laacibka ugu qaalisan taariikhda Gunners.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la filayaa inuu u soo duulo London, waxaana la sheegay inuu saaranyahay diyaarad maanta ka soo dhaqaaqaysay Dortmund kuna wajahan London.

Laacibka ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Arsenal isla markaana kooxda ayaa si rasmi ah u shaacin doonta saxiixiisa.

 Arsenal fans are getting ready for the arrival of Pierre-Emerick Aubameyang

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close