Real Madrid oo qorshe layaab leh ku soo xerogalinaysa Neymar

(Madrid) 29 Jan 2018 Real Madrid ayaa si wayn u doonaysa dhamaystirka saxiixa laacibka PSG ee Neymar kadib markii ay horay ugu fashilantay saxiixiisa sanadkii 2013 markaas oo uu ku biiray Barcelona.

AS ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay dajisay qorshe cajiib ah si ay u soo xerogaliso laacibka reer Brazil ee Neymar dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Qorshaha Real ayaa ah in Neymar uu kacdoon ka sameeyo PSG isla markaana maamulka kooxdiisa uu waydiisto in la fasaxo.

Real Madrid ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa Neymar haddii uusan sidaas sameyn sida lagu sheegay warbixinta, waxaana la sheegay in laacibku uu qorshaynayo inuu waydiisto kooxdiisa in la fasaxo isaga oo ku andacoonaya inuu la qabsan waayay Paris ama inuu jiro isku dhac ka dhexeeya isaga iyo ciyaartoyda kooxda.

Kooxda tababare Zidane ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixiisa kaliya marka uu cadaadis saaro kooxdiisa, markaas oo ay fududaan doonto in PSG ay si fudud u iibiso laacibka.

Milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inuu hubo 2000% in Neymar uu sii joogayo xiliciyaareedka dambe, warkaas ayaana wadada ka hor istaagaya kooxda Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close