PSG oo beegsanaysa saxiixa Karim Benzema si ay ugu buuxiso booska Cavani

(Paris) 29 Jan 2018 Kooxda PSG ayaa bartilmaameed xoogan ka dhiganaysa saxiixa weerar yahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Sida lagu daabacay wargayska Sport, PSG ayaa ku darsatay qorsheheeda suuqa kala iibsiga dhamaadka xiliciyaareed kaan weerar yahanka reer France.

Nasser Al-Khelaifi ayaa doonaya inuu u sameeyo kooxdiisa weerar seddex afle ah kaas oo ka kooban Neymar, Mbappe iyo Benzema, maadama Cavani la filayo inuu ka tago kooxda.

Benzema ayeey u badantahay in laga diro Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan, kadib hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa iyo taageerayaasha kooxda oo dalbanaya in la fasaxo.

Dhanka kale, bixitaanka Cavani oo la filayo inuu u dhaqaaqo horyaalka ingiriiska ayaa keenaya in PSG ay u diyaar garowdo soo qaadashada Karim Benzema.

PSG ayaa loolan adag kala kulmaysa Arsenal oo dhankeeda lala xiriiriyay saxiixa Karim Benzema.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close