“Nolosha kuma adkeyn doono Zlatan haddii uu rabo bixitaan”, – Mourinho

(Mancehster) 29 Jan 2018. Jose Mourinho waxa uu sheegay in uusan is hoortaagi doonin Zlatan Ibrahimovic haddii uu doorto in uu baxo bisha Janaayo kaddib imaanshihii Alexis Sanchz.

Kaddib markii uu ka soo kabtay dhaawicii halista ahaa kaliya gool qura ayuu dhaliyey ciyarartii ay League Cup-ka guuldaradda kala kuleen Bristol City.

“Haddii ay run tahay oo Zlatan doonayo in uu dal kale aado, nolosha kuma adkeyn doono,” ayuu ku sharraxay shirkiisii jaraa’id.

“Wali ilama uusan soo hadal qaadin, laakiin wali waxa uu ku jiraa qandaraaskii sanadkii hore.

“Waxa ay u abaauri doontaa xaalad uu dhaq dhaqaaqaas ku dhaco, kaliya waxa aan ogahay waxa weeye in uu ii sheegay in uu rabay soo kabasho oo uu kooxda caawiyo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close