Man City oo bixisay 65-ta milyan ee lagu bur burinayo Heshiiska Aymeric Laporte….(Goormaa la soo bandhigayaa?)

(Europe) 29 Jan 2018. Manchester City ayaa bixisay lacagaha 65 milyan oo bound ee lagu bur burinayo qandaraaska daafaca Athletic Bilbao ee Aymeric Laporte.

Daafaca reer France ayaa u safri doona Ingiriiska iyadoona lagu wado in la soo badhigo berito oo Talaado ah.

Uma badna inuu diyaar u noqo doono kulanka West Bromwich Albion ee arbacada balse waxaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka ay Man City la ciyaari doonto Burnley.

Wakiilo ka socda Manchester City ayaa usbuucii tagay u soo safray Bilbao si ay u dhammeystiraan heshiiska kaddib markii Laporte loo ogolaaday inuu tagi karo, laacibka ayaana maray tijaabada caafimaad.

Laporte ayaa sidoo kale sabtidii macsalaameeyay saaxiibadiisa kooxda iyo shaqaalaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close