Guardiola oo qishay ilaa iyo inta uu garoomada ka maqnaan doono Leroy Sane

(Manchester) 29 Jan 2018. Tababaraha Manchester City Pep Guardiola waxa uu qiray in Leroy Sane uu muddo dhaawac ku maqnaan doono kaddib markii laga saaray qeybtii nasashada kulankii FA Cup-ka ee ay ka badiyeen Cardiff.

Sane waxa ay shaafto adag isku qabteen Joe Bennett waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray qeybtii hore – kuma uusan laaban ciyaarta oo ay 2-0 ugu dambeyn ku badiyeen.

Benett shaaftadaas kaarka huruudiga ah uun ayuu ku qaatay balse waxaa laga saaray dheesha markii uu mid kale ku qabtay Brahim Diaz, – Guardiola waxa uu ugu baaqay garsooreyaasha in ay bad baadiyaan ciyaaryahanadiisa.

“Sane waxa uu maqnaan doonaa xoogaa – ugu yaraan laba toddobaad, saddex toddobaad ama hal bil, berry ayaan eegi doonaa inta saxda ah. Marar badan ayaan sheegay waxa kaliya ee ay sameyn karaan garsooreyaashu waa bad baadinta ciyaaryahanada,” ayuu Guardiola u sheegay wariyeyaasha kulanka kaddib.

“Waan aqbali karaa goolkii nalaga diiday, ma aqaan sababta laakiin waan aqbalay. Laakiin fadlan bad baadi ciyaaryahanada. Ma aha kuwa Ma City, dhammaan ciyaaryahanada. Waxa kaliya ee ay raaan waa in ay sidaas yeelaan –  bad baadinta ciyaaryahanada –  maxaa yeelay ma dhici doonto markale.

“Mar ayey ku dhacday Leroy, markale Brahim. Markaa Kubadda Cagta guud ahaan, iyo ciyaaryahanada xariifiinta ah, waa in ay sidaas sameeyaan. Taas waa sababta aan halkan u joogno.”

Sane 7 gool ayuu ku lug lahaa 7dii kulan ee uu Man City u saftay 2018-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close