Emerson Palmieri oo lagu wado inuu Tijaabada caafimaad u maro Chelsea

(Europe) 29 Jan 2018. Emerson Palmieri ayaa qarka u saaran inuu noqdo laacib Chelsea ah inkastoo ay kooxda weli ku raad joogto sidii ay ku heli lahayd weeraryahan cusub.

Daafaca garabka bidix ayaa la warinayaa inuu ku soo jeedo London si uu tijaabada caafimaad ugu maro Blues kaddib markii ay Chelsea 17.5 milyan kula heshiisay Roma.

Evening Standard ayaa sheegtay in kooxda reer London ay sidoo kale bixin doonto lacago bareemiyo ah oo dhan 5.2 milyan oo bound.

Antonio Conte ayaa doonaya inuu helo daafaca garabka bidix ka nasiya kulana tartama Marcos Alonso.

23-jirka reer Brazil ayaa sidoo kale heysta nalasho Talyaani ah taa oo ka dhigan inuusan u baahnaan doonin Ruqsad shaqo si uu uga ciyaaro Ingiriiska.

Yeelkeede, Chelsea ayaa ku jirta dadaalo xoogan si ay u hesho weeraryahan cusub inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga oo ay ka harsan tahay labo maalmood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close