Daniel Sturridge oo tijaabada caafimaadka u maraya koox ka ciyaarta Premier League

(Liverpool) 29 Jan 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda West Brom.

Daniel Sturridge ayaa qarka u saarnaa inuu u dhaqaaqo kooxda reer talyaani ee Inter Milan, waxaase tartanka gadaal ka soo galay Newcastle United oo aad ugu dhawayd inay ku guulaysato heshiis amaah ah oo laacibku uu uga tagayo bishaan Liverpool.

Telegraph ayaa daaha ka qaaday in laacibku uu badalay maankiisa isla markaana uu haatan tijaabada caafimaadka u marayo West Brom.

Go’aanka Daniel Sturridge ayaa lagu sheegay inuu u qaatay qoyskiisa dartiis, wuxuuna amaah ugu biirayaa West Brom inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

28 jirka reer ingiriis ayaa waydiistay tababare Klopp in amaah lagu diro suuqa janaayo si uu ugu dagaalamo booskiisa xulka ingiriiska ee koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close