Chelsea oo wadahadal ay ku doonayso Olivier Giroud la furtay Arsenal

(London) 29 Jan 2018 Chelsea ayaa u muuqata mid hormar ka samaynaysa dadaalka ay ugu jirto soo xerogalinta Olivier Giroud.

Di Marzio ayaa baahiyay goor dhaw in Olivier Giroud uu ku sii dhawaanayo inuu ku biiro Chelsea, wadahadalada labada kooxood ayaana maraya meel fiican.

Olivier Giroud ayaa diiday inuu qayb ka noqdo saxiixa Arsenal ay ku soo qaadanayso Aubameyang, wuxuuna door bidayaa inuu sii joogo London maadama xaaskiisu ay sidaas doonayso.

Chelsea ayaa haatan xoogeeda isugu gaynaysa dhamaystirka saxiixa Olivier Giroud kadib markii ay burbureen wadahadaladii Blues iyo Roma ee Edin Dzeko.

Arsenal ayaa ka doonaysa Chelsea lacag dhan 35 milyan oo Ginni si ay u fasaxdo weerar yahanka reer France ee Olivier Giroud.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close