Arsenal oo kalsooni ku qabta soo xero galinta Aubameyang ugu dambeyn………?

(London) 29 Jan 2018. Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in ay ku kalsoon tahay soo xero galinta Pierre-Emerick Aubameyang bishan marka laga yimaado in aan wadahadalada horumarro laga gaarin.

Borussia Dortmund waxaa waxa ay diyaar u tahay in ay iibiso Aubameyang kahor arbacada oo uu suuqa galayo habeenkiisii ugu dambeeyey sababo la xiriira muranno garoonka dibadiisa,balse kooxda reer Germany ma qaadan doonto aduun ka yar £60m.

Arsenal laba dalab oo ay hore u gudbisay ayaa gaari waayey qiimaha xiddigga lagu rabo iyada oo uu 28 jirka ah uu si ba’an u doonayo ku biiridda Emirates.

Hase ahaatee, Gunners kalsooni ayey ku qabtaa saxiixa Gabon-ka kahor inta uusan suuqa xirmin, sidaas waxaa qabta The Mirror.

£180,000 waxa uu doonayaa sida lagu soo warramayo mushaar dhan toddobaadkii £180,000 taas oo ay Arsenal diyaar la tahay kaddib markii ay fasaxday Alexis Sanchez.

Hase ahaatee, marka hore Arsenal waa in ay is afgarad la gaartaa Borussia Dortmund oo ay ka go’an tahay haysashada xiddigga ilaa ay hesho qiimaha ay ku dooneyso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close