‘Ama Barcelona ama meelna”, – Pique

(Catalonia) 29 Jan 2018. Gerard Pique waxa uu sheegay in uusan koox kale u ciyaari doonin ugu dambeyn marka uu ka tago Barcelona kaddib markii uu saxiixay qandaraas ka dhacaya 2022-ka.

Ciyaaryahanka lagu soo carbiyey kuliyadda La Masia waxa uu mar aaday Manchster Uited balse waxa uu 2008dii ku soo noqday Catalans isaga oo noqday xiddig aad muhiim ugu ah.

“Waligey wax kale kama fekerin, wax waaqici ah ayey ii ahayd in aan saxiixo qandaraas cusub oo aan halkan joogo,” ayuu Pique u sheegay qandaraas saxaafadda.

“Waxaan rajeynayaa in ay nolosha oo dhan noqoto.  Ma lihi qorshe kale oo meel kale ah.

“Waa Barcelona ama meelna.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close