XOG: Mourinho oo amar ku bixiyey in qaanadda la suro maaliyadda Sanchez ee aqalka labiska loo dhaweeyo kuwa xiddgahan…….

(Manchester) 28 Jan 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in Jose Mourinho shaqaalaha aqalka labiska ku amray in QAANADDA la dhigo maaliyadda iyo agabka ciyaarta ee Alexis Sanchez lagu xijiyo kuwa Marcus Rashford iyo Jesse Lingard.

Arinta ayaa sida la qabo uu Mourinho uga gol leeyahay in uu ku tababaro da’yarta kooxda.

Laacibka reer Chile isniintii la soo dhaafay ayuu ku soo biiray Manchester United xilli ay is weydaarteen Henrikh Mkhitaryan.

Sanchez kulankii FA Cup-ka ee ay la ciyaareen Yeovil Town ayuu ku soo bilowday kulanka kaddibna waxa uu Jose Mourinho sheegay in Sanchez kooxda ku soo kordhinayo QAAN GAARNIMO iyo CIYAAR HEER SARE AH (Maturity and Class).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close