Wadaxaajoodyadii Roma iyo Chelsea ee ku saabsanaa Dzeko oo bur buray iyo sababaha…..

(Rome) 28 Jan 2018. Chelsea waxa ay ku jiho wareertay isku daygeedii ay ku dooneysay weeraryahanka Roma Edin Dzeko waxa ayna warar soo baxaya sheegayaan in ay ka hartay raadintiisii.

Kooxda ka dhisa galbeedka London waxa ay a £44m kuwada dooneysay da’yarka dadabka biddix ka dheela Emerson Palmieri iyo Edin Dzeko balse hadda xaalka uma wacna.

The Independent waxa ay qoreysaa in wadahadaladii Edin Dzeko bur buray oo aan wax  horumar ah laga gaarin.

Agaasimaha ciyaaraha ee Roma , Monchi waxa uu muujiyey in kooxdiisu diyaar u tahay iibinta Bosnian-ka balse aysan ku qanacsaneyd qiimaha Chelsea soo bandhigtay.

Chelsea waxaa lagu soo warramayaa in ay ka caga jiideyso bixinta mushaarka uu doonayo Dzeko halka aysan ogoleyn in ay qandaraas muddo dheer ah siiyaan xiddigaha da’doodu 30ka sano ka weyn tahay.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close