Serie A: Inter oo markale barbaro lagu celiyay +SAWIRRO

(Milan) 28 Jan 2018 Kooxda SPAL ayaa markale barbaro ku celisay galabta Inter Milan oo marti u ahayd, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-1.

Waa kulankii 4-aad oo xiriir ah oo kooxda Inter Milan ay galayso barbaro, waana kulankeedii todobaad oo kooxdu ay ku dhibtoonayso inay guul gaarto horyaalka.

Inter Milan oo guul ka gaarta horyaalka talyaaniga waxaa ugu danbaysay kulan ay 5-0 uga adkaatay Chievo kaas oo ay ciyaartay 3-dii December ee 2017.

SPAL ayaa ciyaar adag kala hortagtay kooxda tababare Spalletti oo ku jirta qaab ciyaareed liita xiliciyaareed kaan, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad, Inter ayaa hogaanka ku qabatay gool uu iska dhaliyay daafaca SPAL ee Francesco Vicari, kaas oo ciyaarta ka dhigay 0-1.

Laakiin dhamaadkii ciyaarta, Alberto Paloschi ayaa goolka barbaraha u keenay kooxdiisa SPAL 2013, kadib kubadd uu ka helay Mirko Antenucci, wuxuuna ka dhigay 1-1.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-1, Inter ayaa haatan ku jirta booska 4-aad ee kala saraynta horyaalka, waxayna 3-dhibic ka saraysaa Roma oo caawa ciyaaraysa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close