Juventus oo United u soo bandhigi karta Dybala si ay ugu fududaato helidda xiddigan…..Waa kuma?

(Mancehster) 28 Jan 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in Manchester United ay is hortaagi doonto dalab kasta oo laga soo gudbiyo Matteo Darmian, xilli Jose Mourinho rabo in uu daafaca Old Trafford ku hayo.

Darmian oo hoos uga dhacay dhinaca xulsha Manchester United kaddib markii ay dadabka middig uga hormareen Antonio Valencia iyo Ashley Young ayaa laba 12 kulan uun saftay ololahan.

28 jirka waxaa xiiseenaya Roma iyo Juventus, iyada oo tan dambe amaah bisha ku dooneyso iyo xulasho ah in ay £20m xagaaga ku qaadato.

Sida laga soo xiganayo The Express,Mourinho waxa uu ku adkeysanayaa in uu dhammeystirayo kooxdiisa si ay ula loolamayaan Manchester City.

Sida ay majalada sheegeyso Juve waxa ay United u soo bandhigi kartaa Paulo Dybala si ay u hesho Darmian.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close