FA Cup: Chelsea oo ku durdurisay Newcastle United +SAWIRRO

(London) 28 Jan 2018 Chelsea ayaa guul wayn ka gaartay Newcastle United oo marti u ahayd, waxayna uga adkaatay 3-0.
31 -daqiiqo, weerar yahanka reer Belgium ee Michy Batshuayi ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea kadib kubad uu ka helay Marcos Alonso, wuxuuna ka dhigay 1-0.
44-daqiiqo, Batshuayi ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta kadib caawin uu ka helay Hazard, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-0.
Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay Chelsea oo hogaanka ku haysa 2-0.
Qaybtii labaad, Ciyaartoyda Chelsea ayaa halkooda ka sii waday qaab ciyaareedka fiican, waxayna dhaliyeen gool kale.
72-daqiiqo, Marco Alonso ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu dhaliyay laad xor ah oo loo dhigay, wuxuuna ka dhigay natiijada 3-0.
Chelsea ayaana sidaas ugu soo gudubtay wareega xiga ee FA Cup-ka.
Gool FM