SKY: Kalinic oo seegaya ciyaarta Milan-Lazio (Yaa beddelaya?)

(Milano) 27 Jan2018 – Sida uu werinayo Peppe di Stefano oo ka tirsan hilinka Sky Sport, qannaaska AC Milan ee Nikola Kalinic ayaan maanta ka qaybgelin tababarkii kooxdiisa.

Sababta ayaa lagu micneeyay xanuun yar oo ka haya dhanka muruqa, isagoo sidaa uga baaqday ciyaarta adag ee berritoole fiidkii dhexsanaysa kooxaha AC Milan vs SS Laizo.

Waxaa isla weriyahan laga soo xigtey inuu qawaarkan bedeli doono muluqa soo baxaya ee Patrick Cutrone oo berri hoggaamin doona waaxda weerarka Milan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close