Robinho oo filaya in Neymar uu ku biiri karo Real Madrid

(Madrid) 27 Jan 2018 Laacibkii hore ee Real Madrid, Manchester City iyo Ac.Milan ee Robinho ayaa filaya in Neymar uu ku biiri karo kooxdiisii hore.

Robinho oo dhawaan ku biiray kooxda reer Turki ee Sivasspor ayaa sheegay inay adagtahay in Neymar uu ku biiro Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Balse wuxuu rumaysanyahay inuu awoodo ku biirida Real wax walbana ay dhici karaan, inkasta oo uu heshiis 5-sano ah kula jiro PSG.

“Ma garanayo, Neymar waa laacib aad muhiim uga ah safka xulka qaranka Brazil, waxaan rumaysanahay inuu u ciyaari karo Real Madrid” ayuu ku jawaabay Robinho mar wax laga waydiiyay in Neymar uu ku biirayo Real.

“Arinkaas waa mid aad u adag waayo heshiis 5-sano ah ayuu kula jiraa PSG, laakiin marwalba waxaa jiri karta fursad uu uga tagi karo”.

Robinho ayaa dhanka kale ka hadlay ku biiridii Coutinho ee Barcelona, wuxuuna yiri:

“Coutinho waa laacib cajiib ah, waan hubaa inuu guulo waa wayn la gaari doono Barcelona, waa laacib fiican, wuxuuna awoodaa inuu hormar sameeyo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close