Rikooradii laga diiwaan galiyay kullamadii koowaad horyaalka Somalia Premier League

Rikooradii laga diiwaan galiyay kullamadii koowaad horyaalka Somalia Premier League

(Muqdisho) 27 Jan 2018 – Waxaa la wada ciyaaray kullamadii koowaad horyaalka Somalia Premier League,waxaana ka soo baxay natiijooyin kala duwan.

Dhowr kooxood oo ay qeyb ka yihiin Elman iyo Banaadir ayaa guuldarrooyin la kulmay,waxaana guuleystay kooxo ay ka mid yihiin Dekedda,Horseed iyo Heegan.

Horyaalka ayaa I rasmi ah u furmay isniintii aynu soo dhaafnay,waxaana Gool FM ay qallinka u qaadatay wax yaabihii laga diiwaan galiyay horyaalka kullamadii koowaad.

Hoos ka akhri rikooradii laga diiwaan galiyay kullamadii koowaad.

1:Goolkii ugu horeeyay horyaalka ayaa waxaa ansixiyay xiddiga C/majiid Xusni oo ka tirsan Dekedda

2:Roosihii ugu horeeyay waxaa qaatay ciyaaryahanka Mursal Gacameey oo u ciyaara Waxool.

3:Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee jinabiba kaa soo dhaliyay gool ugu horeeyay  horyaalka waa Nyanzi oo Heegan ka tirsan.

4:Kulankii ugu horeyay aan gool la iska dhalin horyaalka waa Betroolka iyo Gaadiidka.

5:Waxool iyo Banaadir waa kooxihii ugu yaraa kulamada koowaad ee gool laga dhaliyo waana min hal gool.

6:Elman ayaa ah kooxda ugu badan ee kulamada koowaad gool laga dhaliyo waana afar gool.

7:Nyanzi Ronaldo ayaa noqday xidigii dhaliyay goolka ugu dhaqsiyaha badnaa isagoo shabaqa gaaray wax ka yar 40 sekin,sidoo kale waxa uu dhaliyay sadexleydi ugu horeysay horyaalka.

8: 12 xiddig oo ajinabi ah ayaa u ciyaaraya kooxaha dalkeena waxaana  badankood aysafteen kulamadii koowaad ee horyaalka.

9:Goolhaye Karaama ayaa noqday shabaq illaaliyihii ugu horeeyay ee gool ku laad bad baadiya

10:Ciise oo ka tirsan Banaadir ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool iska dhaliyay horyaalka billaawga ah ee Somalia Premier League.

11:Horseed,Dekedda,Betroolka iyo Gaadiidka ayaa ah afarta koox ee aan gool laga dhalin kullamada koowaad.

12:Riggooradii ugu horeysay horyaalka waxaa loo dhigay Banaadi, xilli uu qasaariyay Daadir Aamiin

W/D:Mahad Sariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close